Hawlgalka Ka Dhanka ah Al-shabaab oo Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Faah Faahin Ka Bixiyey.

0
431

Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeeda ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallo saacadihii ciidamada militariga ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ciidamada Lugta General Odawaa Yuusuf Raage ayaa faah-faahin ka bixiyey howlgallada guullaha laga gaaray iyo sida ay u socdaan, isaga tilmaamay in deegaanadda haatan ay la wareegeen ciidamada ay hadda degan yihiin, islamarkaana ay ka waddaan howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Wuxuu sheegay in howlgalada sii socdan doonaan ilaa Al-shabaab lagala wareegayo deegaannada ay ka joogaan dalka Soomaaliya.

‘’Khasaare ayaa ka soo gaaray Al-shabaab howlgalladii ugu danbeeyay ee laga sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose, weyna sii socon doonaan howlgallada’’ ayuu yiri Generaal Odawaa.

Hadalka taliyaha ayaa yimid ka dib markii ciidamada Danab ay la wareegeen degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo intooda badan hoos yimaada degmada Afgooye.