Dalka Shiinaha iyo Itoobiya oo Heshiis Kala Saxiidey/Waxa Ku Saabsan yahey Heshiiskaasi Ka Daalaco.

0
340

Ra’iisal Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed oo booqasho ku jooga dalka China ayaa waxaa uu kulan la qaatay madaxda shirkadda shidaalka ee dalka shiinaha.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa ay ku kala saxiixdeen heshiis ku kacaya 1.8 bilyan oo dollar, kaa oo ku saabsan horumarinta bixinta tamarta korantada iyo qaybin-teeda.

Mashruucan ayaa waxaa uu awood u siin doonaa dowladda Itoobiya  ilaa 16 beeraha warshadaha; Addis Ababa ilaa Jidka Tareenka 2aad iyo magaalooyinka kala duwan ee dalka,sida lagu sheegay war-kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha itoobiya.

Dowladda  Itoobiya ayaa  ballan-qaadey wada-shaqeyn buuxda inay la yeelato Shirkadda China gaar ahaan in ay awood u yeelato maal-galinta tamarta.

Heshiiskaas waxaa dowladda Itoobiya u saxiixay oo wafdiga ra’iisul wasaare Abiy Axmed ka mid ah wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.