Xisbiga Himilo Qaran oo Qaban Qaabo Ugu Jira Soo Dhaweynta Musharaxa M/weyne ee Xisbiga iyo Dib u Habeynta Xisbiga.

0
66

Xisbiga Himilo Qaran ayaa Qaban Qaabo Ugu Jira Soo Dhaweynta Musharaxa Xisbiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyadoo Warar Hoose Sheegayaan In Xisbiga Himilo Qaran uu Gudoomiye U Dooranayo Gudoomiyihii Hore ee Barlamaanka Jawaali Halka Gudoomiye Ku Xigeen uu Noqon Doono Cali Xaaji Warsame.

Wararka Si Hoose Loo Helayo ayaa Sheegaya in Xisbiga Himilo Qaran uu Hadda Urursanayo ayna Isugu Tagayaan Rag aad Saameyn ugu Leh Siyaasadda Soomaaliya ayna U Muuqato in Xisbigani Noqon Karo Kan Bedelaya Ragga Hadda Talada Haya Marka Aad u Fiiriso Xubnaha Ugu Sareeyana ay Loo Qaateen Tahey.

Hadii ay Timaado Qaab dhismeedkan Hada Leyla Dhexmarayo oo aan wali La Shaacin Waxaa Suura Gal Noqon Karta In waxbadan ay Siyaasadda Soomaaliya ee Hadda Jirta Wax Iska Bedelaan,Waxaanse Idiin Balan Qaadeynaa In aan Idiin Soo Gudbino Hadba Wararka Kusoo Kordha Warkan iyo Hadba Xaaladda iyo Jawiga Muqdisho Sida uu Yahey In shaa’ allaah.