Ciidanka Danab oo Gacanta Ku Dhigay Gaari Qarax Siday Oo Kusoo Jeeday Muqdisho.

0
127

Sida wararku ay sheegayaan Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab ayaa gacanta ku dhigay gaari lagasoo buuxiyay waxyaabo Qarxa kaas oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo shalay la wareegay deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa gaariga Qaraxa siday ku qabtay isla deegaanka Sabiiba sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda.

Xilliga gaariga ay gacanta ku dhigayeen ciidamada Danab ayaa la sheegay in uu ku wajahnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaana wararku ay sheegayaan in gaariga uu siday qarax ka tan weyn kii sanadkii 2017 ka dhacay isgoyska Zoobe.

Gaarigan ay qabteen ciidanka Danab ayaa ah nooca xamuulka qaada waxaana ciidanka sirdoonka ee Danab ay la qabteen darewalkii waday mana jirto warar intaas dheer oo laga helayo qabashada gaarigan.