Nin Soomaali Lagu Tuhunsanyahey In uu Dilay Xaaskiisa oo Booliska Mareykanku Sheegeen In Lagu Qabtey Dalka Panama.

0
728

Nin Soomaali Lagu Tuhunsanaa In uu Dilay Xaaskiisa oo Lagu Magacaabi Jirey Muna Kuri Ayaa Boliska San Diego Waxa ay Maanta oo Jimca ah Shaaciyeen In Lagu Qabtey Dalka Banama,Iyadoona Wax Kale oo Faah Faahin ah aysan Dhiibin.

Ninkan Ayaa Sida Dad Xog ogaalihi Sheegeen Waxa Uu Aad U jeclaa Gabadha oo Maydkeeda Laga Helay Qolkeedi Jiifka Iyadoo Labo Cisho Ka hor Geeryootey Cid Ogeydna aysan Jirin Kadibna Markii Qolkeedi La Jebiyey Lagu arkey iyada oo Maydkeedu Dhex Yaalo,Ninkan Soomaaliga Ah iyo Gabadha Soomaaliyeed oo aan Wax Caruur ah Isu Dhalin ayaa Dadka Soomaaliyeed ee Degan Gobolkaasi San Deigo Dalka Mareykanka Aad Ula Yaabeen Dhacdadan Foosha Xun.

Ninkan oo Baadi Goob Boolisku Ku Hayeen ayaan La Ogeyn In uu Dilka Gabadha Ka Danbeeyey Balse Lagu Tuhunsanaa Maadaama Labadooda oo Qur ahi Guriga Ku Wada Noolaayeen,Lama Oga Baaritaano Boolisku Ku Sameeyeen Maydka Gabadha Dhimatey Waxa Ay Ka Heleen Waxaase La Ogaan Doonaa Hadda oo Gacanta Lagu Dhigey Ninka Aadka Loo Tuhunsanaa,Magaciisana Lagu Sheegay C/casiis.