Diyaarad Laga Leeyahey Dalka Ethiopia oo Burburtey iyadoo Kusii Jeeda Dalka Kenya.

0
922

Warar daqiiqado ka hor soo baxay ayaa sheegaya ay bur burtay diyaarad diyaarada Ethiopian Airlines oo ka duushay magaalada Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, oo ku hadlaya magaca xukuumadda iyo kan shacabka Itoobiya  waxaa ay tacsida la wadagayaan  qoysaskii ku waayay dadkii ay jeclaayeen bur burka diyaaradaha  Ethiopian Airlines Boeing 737 oo qorshuhu ahaa in ay duulimaad  ku tagto magaalada Nairobi, “ay aa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in ay diyaaradu dhacdo iyo goobta ay ku bur burtay, sidoo kale waxaa la ogeyn tirada dhimashada iyo guud ahaan rakaabka la socday.