Dawladda Federalka iyo Maamulka Jubaland oo Wadahadalo Hordhac ah U Bilawdeen.

0
538

Dhawaan waxaa tagay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamul gobolleedka Jubbaland wafdi ka socday xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda  federaalka Soomaaliya (XFS), Axmed Nuur Maxamed Cabdi, ayaa magaalada  Kismaayo kula kulmay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad  gobaleedka Jubaland.
Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta wada shaqaynta wasaaradaha Jubaland iyo wasaaradaha federaalka si loo fududeeyo loona daadejiyo howlaha dawladda ee lagu dhaqan geliyo halbeegyada tubaha qaranka.
Shirka ay yeesheen  xoghaye Axmed Nuur iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad  gobaleedka Jubaland ayaa sidoo kale aad loogu falanqeeyay isku tashiga,  qorshaynta iyo curinta howlaha danta qaranku ku jirto ee loogu adeegayo  ummadda Soomaaliyeed iyo in laga fogaado in lagu dhaqmo qorshooyin aan  ka tarjumayn danta mawaadiniinta, ayna soo dejiyeen dad aan Soomaali  ahayn.
Xog-hayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dal barwaaqo ah, hadii la isku tashado oo si wadajir ah dadaal badan loo sameeyana laga baxayo faqriga iyo gaajada dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed.