Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ahna guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa lagu wadaa in saacada soo socda uu soo gaaro magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wali rasmi ahaa lama shaacin ujeedada socdaalkiisa, laakiin warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu kulamo kala duwan la qaadan doono odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, sidoo kalana xafiiskii ugu horeeyay ee xisbigiisa meel ka baxsan caasimada uu ka furi doono magaalada Beledweyne.
Lama oga in ay is arki doonaan Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo lagu xasuusto khilaafkii soo kala dhaxglay isaga iyo Xassan Sheekh Maxamuud xiligii uu madaxweynaha ahaa oo leysku qabtay dhismaha maamulka Hirshabeelle.
Laakiin Xassan Sheekh oo socdaalkiisa ay ku wehlin doonaan xildhibaanno ka tirsan xisbigiisa ayaa xoogga saari doona sidii uu u arki lahaa Ugaas Xassan oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed si loo dhameeyo xurguftii siyaasadeed ee horay u dhaxmartay, madaama Xassan Sheekh uusan hadda madaxweyne ka aheyn dalka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa lagu xusuustaa xilligii uu talada hayay inuu dhowr jeer tagay magaalada Beledweyne, iyadoo aheyd magaaladii labaad ee uu booqday markii xilka loo doortay sanadkii 2012.
Hadalka heynta ugu weyn ee magaalada ayaa ah socdaalka la filayo saacadaha soo socda in uu Xassan Sheekh ku soo gaaro magaalada Beledweyne iyo in ay is arki doonaan Ugaas Xassan iyo in kale.
Waxaana Lagu soo Waramayaa in uu ka Degay Magaalada B/weyne ee Xarunta G/hiiraan M/weynihii Hore Xasan Sh Maxamuud Ahna Gudoomiyaha Xisbiga U.P.D.











