M/weynaha Cusub ee Puntland Saciid Dani oo Hakiyey Qaabilaadda Gaarka ah ee Dadweynaha iyo Martida.

0
620
Wareegta ka soo baxday madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in la hakiyay ballamadii iyo kulamadii madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Ma cadda muddada la hakiyay la kulanka madaxweyne Deni, balse waxaa ay ku soo aadday xilli uu madaxweynaha ku gudajiro la tashiyadii u dambeeyay ee uu ku soo magacaabayo golaha xukuumadda.
Siddeeda bishan Feberaayo, waxaa u buuxsamaysa madaxweynaha Puntland muddo bil ah ,tan iyo markii ay Baarlamaanku doorteen siddeedii bishii Jannaayo.
Hoos ka akhri wareegtada;