Koox Bastoolado ku Hubeysan oo Xildhibaan Barlamaanka Federalka Ka Tirsana Ku Dilay Magaalada Muqdisho.

0
632

Allaha U Naxariistee Waxaa Goor Dhaweyd Lagu Dilay Magaalada Muqdisho Ex Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo In Muddo ah Barlamaanka Soomaaliya Kamid ahaa,Waxaana Lagu Soo Waramayaa in Gurigiisa oo Ku Yiil Degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir.

Allaha U Naxariistee Cismaan Cilmi Boqore ayaa Mar Waxaa uu Soo Noqdey Gudoomiye Xigeenka Barlamaanka ee Labaaad Xiligii Dawladdii Lagu Soo Dhisay Imbagati ee uu M/weyne ka ahaa Allaha u Naxariistee C/llaaahi Yuusuf Axmed Isagoo Xiliyadii Danbana kamid ahaa Barlamaanadii ka Danbeeyey.

Ma Jirto Cid sheegatey Dilka Cismaan Cilmi Boqore iyo Cid Looqabtey Dilkiisa Hase Yeeshee Waxaa Falalka Noocan oo Kale ah Loo Nisbeeyaa Xarakada Al-shabaab oo Bartilmaameedsada Xubnaha Dawladda Federalka iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.