Dowladda Burundi Oo Bilaawday Daad Gureynta Qaar Kamid Ah Ciidamadeeda Ka Jooga  Dalka Soomaaliya.

0
339

Saraakiil u hadlay dowladda Burundi ayaa xaqiijiyay in khamiistii lasoo dhaafay 200 oo kamid ah ciidamadooda diyaarad Q. Midoobay leedahay looga qaaday magaalada Muqdisho islamarkaana laga dajiyay Bujumbura oo ah caasimadda Burundi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamad Burundi ee  dalka ka baxay qaar kamid ah laga qaaday degmada Cadale ee Shabeellaha dhexe halka qaar kale ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.

Ciidamada baxay Khamiistii lasoo dhaafay ayaa hordhac u ah 1000 askari oo lafilayo in bishan gudaheeda ay dowladda Burundi ka saarto dalka Soomaaliya taas oo ah fulinta go’aankii kasoo baxay Ururka Midowga Afrika.

Madaxweynaha Burundi iyo Farmaajo ayaa maalmo ka hor ku baaqay in ciidamada laga saarayo Soomaaliya loo qeybiyo dhammaan dowladaha ku bahoobay dalladda AMISOM balse waxaa muuqata in baaqaas dhagaha laga furaystay.

Burundi ayaa afartii biloodba lacag dhan 18 Milyan oo dollar ku qaadata ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya waana dakhliga ugu weyn ee dowladdaasi ka hesho dibadda.