Shirkii Wasiiradda Jaamacadda Carabta oo Lagu Soo Gabangabeeyey Dalka Lubnaan iyadoo Soomaaliyana Ka Qayb gashey.

0
455

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciise Cawad ayaa isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu shirka wadamada Carabta uga qeybgalay magaalada Bayruut ee dalka Lubnaan.

Shir madaxeedka Carbeed oo shalay ka furmay Magaalada Beyruut – sida ku xusan jadwal looga dooday kulankii gogol xaarka ee wasiirrada- waxaa looga hadlayaa 29 qodob oo ah wax-yaabo ay dunida carbeed wadaagto sida dhaqaallaha, bulshada.

Waxaa sidoo kale shirka looga hadlay hindisayaasha iyo istiraatiijiyadaha la xiriira cunnada, tamarta, ka takhalusidda saboolnimada, ilaalinta haweenka, istiraatiijiyadda carbeed ee tamarta joogtada “Sustainable Energy” iyo dhaqaale ka abuuridda waxyaabaha dhejitaalka laga sameeyay iyo kuwa kale.