Intii Lagu Gudajirey Doorashadii M/weyne ee K/galbeed Tacadiyadii Kadhacey Baydhabo oo Guddi Soo Baara La Magacaabey.

0
544

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa guddi gaar ah oo baaritaan ku sameeya u saaray tacadiyadii ka dhacay magaalada Baydhabo xiliggii lagu guda-jiray u diyaar-garoowgga doorashadii madaxweynaha.

Lafta-Gareen ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay  Todobbo xubnood oo midi ay Haween tahay oo baara tacadiyadii ka dhacay  Baydhabo ee ka dhashay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow.

Dibadbaxyo socday muddo saddex cisho ah ayaa sababay dhimashada dad rayid ah oo siweyn uga careysnaa qabashadii Mukhtaar Rooboow oo waqtigaa ka mid ahaa musharixiintii u taagneyd xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed kaddib markii ay iska horyimaadeen ciidamada Booliiska iyo dadka dibadbaxyada wadday.

Akhriso Wareegtada :