Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed iyo Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda Qaar Ka Socda ayaa Maanta Bilaabey in ay Kormeeraan Qaar Kamid ah Xisbiyada La Diiwaan Geliyey,kuwaasoo u Kuur Gelaya Hab sami u Socodka Hawlaha Xisbiyada iyo Xafiisyadooda,iyagoo Maanta Tagey Xarumaha Shan Xisbi Siyaasadeed kala ah Xisbiga Garsoor,Xisbiga NDP,Xisbiga Umadda,Xisbiga Midnimada iyo Dimuquraadiyadda,iyo Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed.
Shantan Xisbi Siyaasadeed Ayaa ah Shantii Ugu Horeysey 35ta Xisbi ee hada Shahaadada kmg ah Haysata ayaa Waxaa La eegayey Xarumahooda,Xafiisyadooda Gobolada,Kulamada iyo Shirarka Gudiyada,Dukumitiyada Siyaasadeed ee Xisbiga,Habraaca Magacaabista Hawlwadeenada,Maamulka iyo Maareynta Maaliyada,Habraaca Xalinta Khilaafaadka Xisbiga Dhexdiisa,Qorshaha Siyaasaded ee Xisbiga,MiizaaniyadaXisbiga iyo Kharashaadka,Shaqaalha Xisbiga iyo Diiwaangelinta Xubnaha Xisbiyada.
Mdaxda Gudiga Madaxabanaan iyo Kuwa Xafiiska Diiwaangelinta ayaa Waxa ay Kala Ahaayeen Commissioner C/raxmaan Dheere,Madaxa Xafiiska Diiwaan Gelinta Maxamuud Sandheere iyo Avv. C/naasir,iyadoo ay La Kulmayeen Madaxda Xisbiyada ayaa Waxa ay Maanta oo Bisha Ku Beegneyd o5/01/2019 uu Kormeerkii Ugusoo Dhamaadey Jawi Hagaagsan iyo Nabadgelyo.