Magaalada Muqdisho waxaa maanta inteeda badan ka soconaya dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo mooshinka laga keenay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Wadada Maka Al-Mukarama iyo qeybo ka mid ah Waddada Wadanaha illaa Sodonka ayaa la arkayay dadweyne isugu soo baxay oo ku qeylinaya erayo ay uga soo horjeedaan Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.
Dibadbaxayaasha oo u badnaa dhalinyarro ayaa u muuqday kuwo abaabulan, waxaana qaarkood horkacaya guddoomiye waaxeedyada dowladda hoose ee gobolka Banaadir.
Sidoo kale Goboladda Dalka Qaarkood ayaa Iyagana Waxaa ka Dhacey Banaanbaxyo Lagu Taageerayo Mooshinka Iyadoo Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyaduna Soo Saareen War Saxaafadeed ay Ku Taageerayaan Moshinka Laga Keenay M/weyne Farmaajo.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa shalay mooshin xil ka qaadis oo ka dhan ah Madaxweynaha u gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo Guddoomiyuhu aqbalay.
Guddoomiye kuxigeenada Baarlamaanka ayaa sharci darro ku tilmaamay mooshinka Madaxweynaha, isla markaana aan xilligan loo baahneyn in dalka la geliyo qalalaase siyaasadeed.
Xaalada siyaasadeed ee uu dalku galay ayaa la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto, waxaana Mooshinadan uu ka duwan yahay kuwii hore, marka loo eego xaalada uu dalka geliyay iyo sida Guddoonka Baarlamaanka ugu kala qeybsameen.