Shirkadaha Qalabka Dhismaha oo Shir Uga Socdo Turkiga Soomaaliyana ay Qayb ka Tahey Markii Ugu Horeysey.

0
607

Waxaa magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga  ka furmay maanta shirka  Bandhiga Shirkadaha Ganacsiga Qalabka Dhismaha  ee Turkiga iyo Carabta oo ay soo qabanqaabisay Jimciyada Isku xirka  Ganaacsatada Turkida iyo Carabta ee loo soo gaabiyo TURAP.

Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galey 200 Shirkado Turki ah, Dhanka  Soomaaliyana, waxaa uga  soo qeyb galey  wafdi uu hogaminayo Wasiirka  Howlaha Guud iyo Guriyeynta  ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey oo ka koobnaa Ganacsato iyo  Engineero Soomaaliyeed, Gudoomiya Rugta Ganacsiga ee Tukiga iyo  Shirkadaha daneeya Maalgashiga iyo Ganacsato Carbeed.

Shirka ayaa waxaa si wadajir ah u  furay Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumada Federaalka  ah Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey iyo Madaxa  Iskaashiga Maalgashiga Turki iyo Carab, Mudane Cadhar subuxi.

 

Wasiir Cabdifataax Geesey oo kahadlay furitaankii shirka ayaa sheegay ahmiyada ay u leedahay Soomaaliya qalabkan dhismaha, maadaama aanan dib udhis lagu sameyn ilaa iyo burburkii Dowladii dhexe oo ay hada dib uga soo kabaneyso qalabkana uu wax wayn ka bedeili doona muhiimna uu u yahay Soomaaliya .

Shirka ayaa socon doona muddo sadex maalmood ah oo  ay Ganacsatada ku soo bandhigi doonaan qalabka dhismaha qeybihiisa kala duwan.