Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya iyo hay’adda IOM ayaa iska kaashanaya mashaariic lagu horumarinayo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Mashaariicda ayaa waxaa ka mid ah dhismaha Isbitaalka guud ee degmada Balcad, Hool lagu qabto shirarka iyo garoon lagu ciyaaro kubadda cagta,iyadoo mashruuca ugu horreya ee la dhagaxdhigay uu ahaa garoonka lagu cayaaro kubadda cagta oo ay wada-jir u dhagaxdhigeen guddoomiyaha degmada Balcad,Qaasim Cali Nuur iyo qaar kamid ah Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle.
Guddoomiyaha degmada, ayaa uga mahadceliyay wasaaradda arrimaha gudaha iyo hay’adda IOM mashaariicda ay ka fulinayaan degmada Balcad oo ka mid ah deegaannada muhiimka ah ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Labadan Mashruuc oo ah Kuwii Ugu Horeeyey ee ay Dawladda Dhexe Ka Fuliso Degmada Balcad ayaa Waxaa La Dhihi Karaa waxaa Jira Kuwo Ka Mudan oo Danaha Dadka Wax u Taraya Kuwaas oo ay ka Mid Yihiin Xagga Caafimaadka, Waxbarashada, Kanaalada Beeraleyda, Korontada, iyo Biyo Nadiif ah oo Dadka Deegaanku Cabbaan.











