Guddoomiyaha golaha Aqalka sare Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiikiisa kula kulmay wakiilada gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom iyo wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira.
Xoghayaha guud ee Golaha Aqalka sare Cali Maxamed Jaamac ayaa sheegay in kulanka looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka xooggan ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul-gobolleedyada.
” Waxaa looga hadlay kulanka sidii loo dajin lahaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya” ayuu yiri xoghayaha aqalka sare oo inta ku daray “Waxaa laga wada-hadlay sidii shaqada Aqalka sare uu haayo loo taageerri lahaa iyo sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka taagan.”
Aqalka sare ayaa wada dadaallo lagu xallinayo khilaafka dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada oo halkii ugu sarreeyay jooga, kaddib markii maamul-gobolleedyada ay xiriirka u jareen dowladda federaalka.











