Magaalada Muqdisho oo uu Maanta Ka Furmay Shirka Tiknoolagiyada Soomaaliya iyo Waxyaabaha Looga Hadlay.

0
512
Shirka hal abuurka teknoolojiyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ,iyadoo ay ka qaybgalayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Wakiillo ka socda tobannaan shirkadood oo soo bandhigaya waxyaabaha ay ku soo kordhiyeen suuqa teknoolojiyada Soomaaliya ayaa sidoo kale shirka ka qaybgalaya.
Saddex maalin oo u socon doono shirka waxaa kaloo lagu soo bandhigayaa dooddo iyo fallanqayn la xiriirta heerka teknoolojiyadda Soomaaliya iyo sida ay uga qayb qaadan karto dib u soo kabashada dalka iyo horumarka.