Dhaqaalaha gobolka sagaalad ee Puntland ayaa hadda hoos u dhacay, arrinta oo loo sababeeyay muddooyinkii dambe bulshada gobolka oo caan ku ahayd wax dhoofinta inaysan dibadda waxba u dhoofin.
Gobolka oo dhaca bariga Puntland ee Garda Fuul , waxaa saameeyey dagaallada ka dhacay dalka Yemen, iyadoo ilihii dhaqaale ee gobolkaasi uu ku tirsanaa ,sida Maydiga, Beeyada, Xabakaha iyo kalluumaysiga oo loo iib gaynjiray dalka Yaman oo haatan ay dagaallo ka socdaan iyo waddamada khaliijka .
“Sanadkan ma jiro xabag dibadda loo dhoofiyay, arrintana waxay saameysay dhaqaalaha gobolka oo hoos u dhacay.” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Garda Fuul ,Maxamuud Axmed Caynab.
Gobolka Garda Fuul , waa gobolkii u dambeeyay ee Baarlamaanka Puntland uu u ansixiyay gobol buuxa oo ay xaruntiisa tahay degmada Caluula.











