Dagaalyahanada Al-shabaab oo Xaley Weerar ku Qaadey Degmada Marka ee G/sh/hoose.

0
445

Wararka naga soo gaaaraya degmada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab xalay weerar culus ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda ee bartamaha degmada.

Dadka degan degmada Marka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay arkeen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ka dhax –dagaalamaya qeybo ka mid h xaafaddaha degmada Marka, iyadoo la maqlayay dhawaqa hub culus oo labada dhinac ay isweydaarsanayeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka hortageen weerar ay ku soo qaadeen degmada xooagag ka tirsan Al-shabaab.

Degmada Marka bilihii ugu danbeeyayba ma xasilooneyn oo waxaa ay dadka ku dhaqan la daalaa-dhacayaan dagaallo iska soo daba noqday oo wajiyo badan kuwaa oo magaalada ka dhigay goob dagaal.

warsom2011@gmail.com