Walxaha Qarxa Gudaha Dalka Soomaaliya oo Hay’ado iska Kaashanayaan in ay ka Saaraan.

0
526

QM ayaa Talaadadii sheegtay in ay xoojinayaan Iskaashiga looga hortagayo khatarta ka timid waxyaabaha qaxa oo dhib ku haya xasiloonida Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya iyo Hay’adda miino Baarista QM ee Mine Action ayaa sheegay in  wadaan qorshihii ay ugu  hortagi lahaayeen  khatarta waxyaabaha  qarxa uu muhiim u yahay fulinta qorsha kala guurka ee AMISOM ay masuuliyadda Ammaanka ku wareejinayaan ciidamada Soomaaliya.

“Waxaan rijeeynayaa in aan wada jir uga shaqayno ka hortagga iyo cirib tirka khatarta qalabka qarxa, waan ku faraxsanahay aan awood ku biirino UNMAS” ayuu yiri Francisco Madira oo ah wakiilka gaar ka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya,

War ay soo saareen hay’adahan waxaa ay balan qaadeen in ay si dhow ula shaqaynayaan dowladda Soomaaliya si looga baaqsado isticmaalka gawaaridaa Qaraxyadda ah ee ay adeegsadaan Al-shabaab.

warsom2011@gmail.com