Ciidamo Ajnebi ah iyo Kuwa Dawladda Federalka oo Hawlgal ka Fuliyey Deegaanka Mubaarak ee Degmada Afgooye.

0
410

Ciidamada dowladda oo garab militari ciidamo kale oo ajnabi ah ayaa saqdii dhexe ee xalay 11kii bishan September, waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha hoose.

War lagu daaabacay bogga Twitter –ka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgal ay fuliyeen ciidamada Amniga in lagu dilay xubin ka tirsan Al-shabaab kaddib is rasaaseyn dhaxmartay labada dhinac.

Wariye ku sugan deegaanka Mubaarak ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in xaalada deegaanka ay hadda degan tahay kaddib weerarkii xalay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira weerarkan la sheegay in ciidamada amniga ka fuliyeen deegaanka Mubaarak.

warsom2011@gmail.com