Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed oo Magacabey Guddi Gurmadka Fatahaada Wabiyada.

0
832

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xisbiga Minimada Jamhuuriga Soomaaliyeed oo Kamid ah Axzaabta Siyaasadda Dalka Ka Jira ayaa Maanta Shir ay Isugu Yimaadeen Xubno iyo Madaxda Xisbigu Waxey Go’aansadeen in laga Qayb galo U gurmashada Dadka Fatahaadda Wabiyadu Saameysey,Gaar ahaan G/hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo Dhamaantood Hoostaga Maamulka Hirshabeele.

Shirka oo uu Shir gudoominayey Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Md. Cali Maxamed Nuux Timajilic ayaa Waxaa La Magacaabey 7 Masuul oo Hawshaas Xisbigu u Xil saarey,kuwaas oo Dhexdooda leh Gudoomiye,G/kuxigeen,Xoghaye,iyo Xubno kala jooga Dalka Gudihiisa iyo Debeddiisa,Iyadoo Magacaabistooduna Sidan u Qoreyd:-

 

Ref: XMJS/03/018                                                          Date:03/05-/-2018

KU: Madaxda Magacyadoodu Hoos ku  Qoranyihiin.                                                  Muqdisho/

OG:   Xukuumada Dawladda Federalka Soomaaliya.

OG:   Maamul Goboleedyada ka Tirsan Dawlada Fedrealka Soomaaliya.

OG:  Gudiga Fulinta Joogtada ah ee XMJS.                                                                        Muqdisho/

OG:    Dhamaan Gudiyada iyo Xubnaha Xisbiga Mid Jamhuuriga.

            UJEEDO: Magacaabis Gudi Gurmad Fatahaada/W/SH.

Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed MD Cali Maxamed Nuux Timajilic,Wuxuu Garwaaqsadey,Kadib Markii uu la Tashadey Xubnaha Gudiga Fulinta Joogtada ah ee XMJS in Arrinta Fatahaadda Wabiga Shabeele ee ku Fatahey Gobolka Hiiraan Magaalada B/weyne iyo Qaybo kamid ah Gobolka Sh/dhexe oo Dhamaan ka Tirsan Maamulka Hirshabeele ay Tahey Masiibo Qaran,loona Baahanyahey in Dhamaan Madaxda Xisbiga,Golayaasha Heer Qaran,Heer M/goboleed H/gobol iyo Degmo iyo Xubnaha Xisbiga Gudaha iyo Debedaba u Gurmadaan Waxna u ururiyaan Dadka Walaalahooda ah ee Maanta u Baahan Gacan Walaalnimo iyo Mid Islaamba.

Sidaas Darteed Waxaa uu Magacaabey,Madaxda iyo Xubnaha Magacyaduudu Hoos ku Qoranyihiin,kuwaas oo Kala ah:-

  1. Gudoomiyaha Garabka Haweenka XMJS/ Nasteexo Cilmi Weheliye —————–Gudomiye gudiga
  2. Wakiilka Xisbiga MJS ee Dalka Canada/ Muuse Kuulaw ——————————– G/kuxigen Gudiga.
  3. Wakiilka Samafalka iyo Dhawrista X/aadanaha Cabdi Guure————————–Xoghayaha Gudiga.
  4. Wakiilka Nairobi ee Xafiiska XMJS/Cumar Maxamed Yuusuf————————— Xubin Gudiga.
  5. Wakiilka G/bakool ee XMJS/ Aadan Cabdi Gaas —————————————— Xubin Gudiga.
  6. Wakiilka Hor/iyo Iskashiga Caalamka ee XMJS/Daahir Warsame Galbeyte———- Xubin Gudiga.
  7. Wakiilka Hirshabele ee XMJS/Deeqo Yuusuf Maxamuud ———————————-Xubin Gudiga.

Hadaba Waxaa La farayaa Xubnaha Gudiga In ay Bilaabaan Kulan kooda,ayna Soo Saaraan Qorshaha Iyo Qaabka ay Hawsha u Fulinayaan,Maadaama ay ku kala Suganyihiin Meelo kala Duwan oo Dalka Debeddiisa Iyo Gudaha ah. Wabillaahi Tawfiiq

                                     Mahadsanidiin.

 

                                      GUDONKA XISBIGA MIDNIMADA JAMHUURIGA SOOMA-

                                       Cali Maxamed Nuux (Timajilic)

                                       ——————————————/

warsom2011@gmail.com