Shacabka Reer B/weyne ee ay Fatahaaddu Saameysey oo Shirkadda Dahabshiil-Group Raashin Deeq ah u Qaybisey.

0
675

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Deeqdan Raashinka ah oo ay Shirkadda Dahab-shiil Group maanta soo gaarsiiyeen Dadkii ka Barakacay Fataahaadda Wabiga Shabelle ee Magaalada Beledweyne ayaa loogu qeybiyay  deegaanka Ceel-jaalle oo ah halka dadka ugu badan ay ku barakaceen.

Maamulka Shirkadda Dahab-shiil Group ee Gobolka Hiiraan  Xaaji Cismaan Dhagaxow ayaa sheegay  in Kaalmadan la gaarsiin doono dhammaan dadkii ay saameysay fatahaadda wabiga oo ay qeyb ka yihiin ilaa iyo  40 tuullo oo labada dhinac  ee waqooyi iyo Galbeed ka xiga Magaalada Beledweyne, waxuuna intaasi ku daray in aysan intaan ku ekaan doonin oo ay sii wadi doonaan Deeqda xitaa ay shirkaddu u furtay Account-yo si ay uga qeyb qaataan bulshada Soomaaliyeed.

Maamulka Gobolka, Odayaasha iyo Qaar ka mid ah dadka maanta deeqdan Raashiinka ah la siiyay ayaa ka mahad celiyay Kaalmada  Shirkadda Dahabshiil Group, waxayna baaq u direen Umadda Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan iyo Shirkadaha kale ee Ganacsiga in aan sidan looga aamusin islamarkaana wali ay jirto baahiyaha Dadku ay qabaan.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow  ayaa sheegay  in Dahabshiil Group ay Tahay shirkaddii ugu horeysay ee ka jawaabto baaqoodii ahaa in Dadka ku wax yeellobay fataahadda la caawiyo, waxana uu u mahad celiyay maamulka shirkada Dahabshiil.

Deeqdan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo la so gaarsiiyo dadka ay saameysay fataahadda wabiga Shabelle ee Magaalada Beledweyne, walow Deeqo badan oo dawo u badan ay ka degaan Magaalada Dhuuso-mareeb ee Gobolka Galgaduud walina aysan soo gaarin Beledweyne.

warsom2011@gmail.com