R/wasaare Khayre oo Kormeer Shaqo ku Tagey Xarunta Hawada Laga Hago Duulimaada Hawada Dalkeena Adeegsada.

0
258

Khamiis, May 10, 2018 (HOL) -Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta dhexe maamulka hawada Soomaaliya, ayadoo raysul wasaaruhu ku kuurgalayay howlaha shaqo ee xaruntani.

Raysul wasaaraha dalka iyo xubnihii la socday waxaa xarunta maamulka hawada oo ku taal garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirka wasaaradda duulista hawan Mudane Max’ed C/laahi Salaad (Oomaar).

Wasiirka ayaa wafdiga raysul wasaaraha warbixin ka siiyay adeegyada muhiimka ah ee ay xarunta qabato, isagoo howlwadeennada xarunta sheegay in ay howlo baaxad leh qabteen mudadii ay xarunta shaqeyneysay.

Raysul wasaare Khayre ayaa hadallo dhiirigelin ah u jeediyay maamulka iyo howlwadeennada kale ee xarunta, isagoo uga mahadceliyay howsha ay u hayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.