Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Hambalyo Ku Aadan Bilashada Bisha Ramadaan u Direy Muslimiinta.

0
497

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  hambalyo ku aaddan bilashada bisha Barakaysan ee Ramadaan u diray Muslimiinta oo dhan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Madaxweynaha ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay  in la iscafiyo oo la isku naxariisto islamarkaana la is caawiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka wax haysta in ay afuriyaan bishan barakeysan ee Ramadaan kuwa kale ee aan waxbo haysan.

Dhinaca kale Guddoonada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wadaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa hambalyo ku aaddan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadan u diray Shacabka Soomaaliyeed.

warsom2o11@gmail.com