Gudiga Siyaasadda iyo Ammaanka Midawga Yurub oo La Kulmey R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

0
542

 

 

 

Wararka Naga soo gaarayo Magalaada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa sheegayo in Ra’iisal Wasaaruhu uu u gudbiyey farriintiisa ah in hadda ay jirto rajo badan oo ay Soomaaliya ka soo ka banayso, xaaladihii kala duwanaa, ee uu Dalka soo maray taasina ay uga wacantahay sida ay Safiirrada Midowga Yurub u muujiyeen inay si buuxda u taageersan yihiin qorshayaasha xumuumaddiisa.

Kulankan intii uu socday ayuu Ra’iisal Wasaare Kheyre xusay Saddex qodob isagoo uga mahadceliyay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub inay taageeraan Dowladdiisa.

1) Deeq Maaliyadeed oo toos ah oo xaddigeedu gaarayo €100 Million (Barnaamij la ansixin doono dhammaadka Bisha May).

2) Taageero baaxad leh oo dhaqaale oo ku waajahan dadaallada xasilineed oo gaaraysa €80 Million, taas oo iyadana la ansixin doono dhammaadka Bisha May.

3) Taageero joogto ah oo ku aaddan AMISOM, taas oo dooddeeda si dhakhso ah loo bilaabi doono, ayna soo dhammaan doonto dooddaasi gabagabada bisha June.

SI kastaba ha ahaatee Xukuumada Federalka ayaa sida ay sheegtay waxaa ay wadaa dadaalo xoogan oo ka turjumaya sida ay uga go’an tahay inay jid walba u marto sidii ummada Soomaaliyeed u heli lahayd Nolol wanaagsan, Nabad waarta iyo Nidaam guulaysta oo ka hir gala guud ahaan Dalka.

warsom2011@gmail.com