Xildhibaannada Aqalka sare ayaa kulankoodii maanta dood adag ka yeeshay xiisada ka taagan degmada Beled-Xaawo ee u dhaxeysa bulshada ku dhaqan degmada ciidamada Kenya.
Xildhibaannada Aqalka sare qaarkood ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dhibaato weyn ku heysto Shacabka ku nool degmada Baled-Xaawo, islamarkaana xukuumadda Soomaaliya aysan waxba ka qaban.
Waxaa ay codsadeen in si deg deg ah loogu yeero Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya sidda Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Amniga Difaaca iyo Arrimaha dibadda.
Xildhibaannada ayaa sidoo kale dalbaday in wax laga weydiiyo maamulka Jubbaland iyo guddiga Xuduudaha dhibaatada ay Kenya ku heyso Al-shabaab ku sugan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda degmada Baledxaawo waxa ay cabasho ka muujiyeen dowladda Kenya oo ay sheegeen in ay dhul balaarsi ka waddo degmada Beled-Xaawo.
warsom2011@gmail.com










