M/weynaha Dalka Ruushka Puutin oo Guul kasoo Hooyey Doorashadii Dhawaan Dalkaasi ka Dhacey.

0
739

 Madaxwayne Vladimir Putin ayaa 6 sano oo kale xafiiska sii hayn doona ka dib markii uu si wayn ugu guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Khudbadda guusha oo uu ka jeediyay magaaladda Moscow ayaa waxaa uu sheegay in natiijada doorashada uu u arko in ay tahay kalsooni la siiyay waxqabadkiisa.

Waxaa uu bogaadiyay guusha uu ka gaaray doorashada madaxtinimda Ruushka, waxaa uuna sheegay in arrintani ay ku timid waxqabadkiisa.

Mar u ka hadlayay isu soo bax balaaran oo lagu qabtay bartamaha cassimada Moscow ayaa madaxwayne Putin waxaa uu sheegay in natiijada doorashada ya ka tarjumeeyso kalsooni iyo ay shacabka ku qabaan.

Madaxwayne Putin ayaa waxba kama jiran ku tilmaamay su’aalaha ku saabsan in uu xilka hayni doono inta cumrigiisa ka dhiman.

Mr Vladimir Putin ayaa dalka Ruushka ka talinayay tan iyo sanadii 1999 oo uu mar ahaa rai’sul wasaare.

Madaxwayne Putin ayaa waxaa doorashadan kula loolamaysa 7 musharax oo kale .

Hogaamiyahii Mucaaradka ee ugu cadcaddaa doorashada Alexei Navalny ayaa laga mamnuucay in uu doorashada ka qeybqaato.

Dadka u dhashey Dalkaasi Ruushka oo Wax laga Waydiiyey Doorashadan uu Putin ku Guuleystey Waxeyna Qaarkood Sheegeen in aaney Warba u haynin in Doorsho Dalka ka Dhacdey iyadoo Dhanka kale Kuwo Kalena Sheegeen in aan Doorasho Lagu Sheegi Karin Doorasho Aan Tartan lahen ee Hal Qof uu Codka Leeyahey.

warsom2011@gmail.com