Gobolka Shabeelaha Hoose Qarax ka Dhacey oo Sababey Dhimasho iyo Dhaawac Gaarey Dad Rayid ah.

0
707

 Inta la xaqiijiyay laba ruux oo Shacab ah ayaa ku dhintay saddex kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray kaddib qarax qabsaday gaari xamuul ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay inta udhaxeysa degaanada Bunqabad iyo Ambareeso ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaana halkaasi ku dhintay laba ka mid ah rakaabkii saarnaa gaariga.

Saddexda qof ee dhaawaca uu ka soo gaaray Qaraxa ayaa waxaa loo qaaday goobaha caafimaadka Magaalada Baraawe, waxaana u soo gurmaday ciidamada AMISOM oo dhaawacyada halkaasi ka qaaday.

Qaraxan miinada oo wadada ku aasnaa, ayaa sida Saraakiisha ay sheegeen waxaa wadada galiyay Ururka Al Shabaab oo la damacsanaa inay ku qarxiyaan gaadiidka AMISOM ee wadadaasi isticmaala.

warsom2011@gmail.com