Diyaaradii Ku Burburtey Semirom ee Sidey Rakaab ku Dhaw 70 ruux oo Lasoo Sheegayo in Dhamaan Dadki ku Wada Dhinteen Shilkaasi.

0
665

Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya burburka diyaaradii ku dhacday Semirom ayaa sheegaya in dhamaanba 66 ruux oo saarnaa diyaarada ku  dhinteen shilka.

Mohammad Tabatabaie, oo ah madaxa xiriirka dadweynaha Aseman Airlines ayaa sheegay in dhamaanba ay dhinteen dadkii la socday diyaarada oo isugu jiray rakaabkii saarnaa iyo Lix shaqaale ah.

Diyaaradda Aseman Airlines ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha Mehrabad ee magaalada Tehran, iyadoo ku sii jeedayy magaalada Yasuj ee Isfahan.

”Nasiib darro baarintaan kaddib waxaan ogaanay in dhamaan dadkii la socday diyaarada oo gaarayay 66 ruux ku dhinteen shilka” ayuu yiri Tabatabaie.

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa Ilmo Yar iyo Lix ka mid ah shaqaalihii diyaarada, waxaana wali socda baaritaan la xiriira sababta shilka.

warsom2011@gmail.com