Dadka soo qabanqaabiyay shirkaasi ayaa waxaa ay sheegeen in kharashkaasi ay ku deeqeen wadammada deeqda bixiya uu yahay mid aad u sarreeya markii la barbar dhigo 1.3-da bilyan ee doolar ee waxbarashada lagu bixiyay saddexdii sanno ee la soo dhaafay.
Dalalka soo koraya ayaa dhankooda waxaa ay ballan qaadeen inay kordhin doonaan lacagta ay ku bixiyaan waxbarashada.
Madaxa hay’adda caalamiga ah ee shirkaasi soo qabanqaabisay Alice Albright ayaa sheegtay in taageerada aan caadiga ahayn ay ka dhigan tahay in dhaqaalaha lagu caawin doono ku dhawaad sagaashan dal oo caalamka ku yaal.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay sii wadi doonaan shirarka nuucaan oo kale ah.
warsom2011@gmail.com








