Kaddib kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xildhibaannada Aqalka sare ee dowladda Soomaaliya ayeey ugu danbeyntii isku raaceen in wixii hadda ka danbeeya golluhu qeyb ka noqdo Ansixinta Miisaaniyada dowladda oo markii hore ku koobneyd oo kaliya gollaha shacabka.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayeey uga dooddeen xildhibaannada arrinta ku saabsan ka qeybqaadashada Ansixinta Miisaaniyada dowladda.
Dood dheer kaddib Xildhibaanada waxay isku raaceen in Aqalka Sare uu qeyb ka ahaan Ansixinta Miisaaniyadda dowladda.
Xeer Hoosaadka Aqalka sare ayaa wixii hada dambeeya qeyb ka noqon doona Ansixinta Miisaaniyadda, iyadoo miisaaniyada sanadka soo socda 2018 ay qeyb ka noqon doonaan doodiisa iyo ansixintiisa.
Aqalka sare ayaa qeyb ka noqon Ansixintii Miisaaniyadda sanadkan 2017, iyadoo Aqalkan oo ah mid ku cusub saaxada siyaasadda ay howlihiisa aheyd mid iska kooban, balse haatan u muuqda mid sal ballaaranaya.
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ah gole awoodo badan ku leh dalka, marka loo eego Aqalka sare oo awoodihiisa Dastuuriga ay yihiin kuwo xadidan, gaar ahaan arrimaha la xisaabtanka Xukuumadda
warsom2011@gmail.com









