Xarakada AL-shabaab oo Degmada Bu’aale ee G/J/dhexe ku Toogtey Meel Fagaare ah Afar Dhalinyaro ah.

0
664

 Wararka ka imanaya degmad Bu’aale gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in maanta halkaa Al-shabaab ku toogteen Afar nin oo ay ku eedeeyeen in ay Basaas u ahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Fagaare ku yaal magaalada Bu’aale ayaa lagu toogtay Afar Nin oo lagu soo eedeeyay in ay la shaqeynayeen ciidamada Itoobiya eek u sugan gobollada Jubbooyinka.

Maxkamada Al-shabaab ayaa sheegtay in raggan qirteen dacwadihii lagu soo oogay ee ahaa in ay basaas u ahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa  Itoobiya.

Afarta qof ee la toogtay ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdi Risaaq Xaashi Cabaas, Cumar Cadar Cumar, Max’med Aba Mayoow. Mustaf Macalim Xasan

Al-Shabaab ayaa inta badan degaanada ay gacanta ku hayaan ku toogta dadka ay ku eedeeyaan in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa shisheeye ee gacanta militari siiya.

warsom2011@gmail.com