Saldhigga Millateriga Turkiga Soomaaliya oo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya uu Booqdey.

0
787

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed Jen Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod ayaa maanta booqday saldhiga dowlada Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa kulan la qaatay saraakiil Turkish ah oo halkaa tababar ku siineysa ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna ka dhageystay warbixin ku saabsan sida tababarka uu u socdo, isagoo sidoo kale kormeeray qeybaha Cuntada, Jiifka, Tababarka iyo Fasalada ay ku wax ku bartaan ciidamada.

Jen Gorod  ayaa khudbad dheer u jeediyay Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo ciidamada Tababarka uu u socdo, isagoo ku booriyay in ay tababarka si wanaagsan kaga faa’iideystaan, maadaama uu yahay mid tayo fiican leh isla markaana ay tahay fursad qaali ah oo ay ciidamada u heleen in ay ku tababartaan saldhigan leh adeeg kasta oo ka jira saldhigyada caalamka.

 

Wuxuu ku dhiiri galiyay ciidamada in ay yihiin Madaxda Mustaqbalka lagana doonayo inay si wadaniyad iyo dal jaceyl ku jirto wax u bartaan.

Taliyaha ciidamada Xoogga ayaa sidoo kale u mahad celiyay saraakiisha dowlada Turkiga ee tababarka bixineysa, wuxuuna si guud dowlada Turkiga ugu amaanay doorka ay ku leedahay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka.

warsom2o11@gmail.com