M/weynihii ku Guuleystey Doorashadii Somaliland Muuse Biixi iyo Ninkii loolanka adag Dhexmarey C/raxman Cirro oo Aas ku Kulmey.

0
684

 

Madaxweynaha la doortay ee somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii ugu horeysay si kadis ah kula kulmay goob fagaare ah gudoomiyaha  xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro.

Madaxweynaha la doortay iyo musharaxii doorashadda lagaga adkaaday ayaa isku arkay aas qaran oo Hargeysa loogu sameeyey marxuun Axmed Yaasiin Gabi-Xadi oo ka mid ahaa odaayashii magaaladda Hargeysa.

Madaxweynaha la doortay ee somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo hogaaminaya masuuliyiinta xisbigiisa ayaa dareen farxadeed ku qaabiley hogaamiyaha xisbiga WADDANI, waxaanay u muuqdeen kuwo iska masaxayey cadhadii ololaha iyo dhiiftii ay keentay natiijadii Doorashaddu.

Muuse Biixi iyo C/raxmaan Cirro ayaa ololihii ugu adkaa dhexmaray,islamarkaana ololo kulul is dhaafsan jiray wakhtigii ololaha lagu jiray, taas oo keentay inay aad u kala fogaadaan,isla markaana taageerayaashoodu aad u kala fogaadeen.

Madaxweynaha cusub waxa laga filanayaaa inuu isku keeno dadkii siyaasaddu kala qaybisay ee aadka u kala fogaaday, waxaana hor yaala caqabado badan oo muddo qaadanaysa in la xaliyo.

warsom2011@gmail.com