Muuse Biixi oo Noqdey M/weynaha Somaliland Shanta Sano ee Soo Socota Waana Kii Shanaad.

0
579

Guddida doorashooyinka qaranka ayaa ku dhawaaqay xisbiga ku guulaystay doorashadda Somaliland, waxaana loo doorty madaxweynaha shanta sanno ee soo socda Musharax Muuse Biixi iyo musharax madaxweyne ku xigeen C/raxmaan Saylici oo ka sharaxnaa xisbiga KULMIYE.

Madaxweynaha cusub ee shanta sanno loo doorta oo noqday Muuse Biixi iyo C/raxmaan Saylici waxay heleen codad dhan 305,909 55%, halka xisbiga WADDANI keenay 226,092 cod, halka UCID helay 23,141 cod, 4.17%,

WADDANI ayaa boqolkiiba helay 40.73%, KULMIYE  55.19%, halka xisbiga UCID tahay 4.17%

 Shanta sano ee soo socda waxa madaxweyne noqon doonna Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici.

Natiijadan lagu dhowaaqay ee doorashada ayaa noqonaysa hor dhac, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda dastuuriga ah oo iyadu markay dib u eegto soo saari doonta natiijadda rasmiga ah ee doorashadda.

warsom2011@gmail.com