Xisbiga Midnimadda Jamhuuriga Soomaaliyeed ayaa Maanta oo Bisha Augast ku Beegantahey 06 ku xusey Muqdisho Sanad Guuradii 19’aad ee kasoo wareegtey Aas aaska Xisbiga iyadoo laga Hadley waxyaabihii uu xisbigu Qabtey mudadii uu dhisnaa iyo Caqabadaha Ka hor yimid intaba,iyadoo la sheegey in SHir weynihii Xisbiga lasoo hormariyey muddo Sanad ah.
Waxaana Isla Maanta Furmey Shirweynaha Xisbiga iyadoo looga gol leeyahey in la ansixiyo laguna daro Xeerka xisbiga Qodobbo lagama maarmaan ah,Maadaama dalka ay ka hir galeen Maamul Goboleedyo aan hore u Jirin,Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan,iyo Xafiiska Diiwaagelinta Xisbiyada Siyaasadda Dalka iwm.
Madaxda Xisbiga ayaa dhamaantood Qirey in Badbaadada Dalku maanta Ku jirto hirgelinta Nidaamka Xisbiyada Badan,aanan loo baahneyn in waqti Danbe lagu lumiyo waxa kala geeyey dadka soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin,waxaana ugu danbeyntii Shir weynaha loogu ansixiyey Qodobadii shirka lasoo hor dhigey,shirkuna kusoo dhamaadey Jawi hagaagsan.
warsom2011@gmail.com











