Duleedka Magaalada Baydhabo oo Qarax lala Beegsadey Gaadiid ay la socdeen Askar ka tirsan M/K/galbeed.

0
472

 

Inta la xaqiijinayo ilaa 7 Askari oo isugu jira ciidamada maamulka Koonfur galbeed iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa lagu dilay qarax miino dulleedka magaalada Baydhabo.

Ciidamadan oo ka soo baxay degmada Waajid ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen dhinaca magaalada Baydhabo, balse wax yar uu kaddib markii ay soo baxeen degmada Waajid ayeey ku qaraxday miino waddada loogu aasay.

Askarta dhimatay ayaa la sheegay in ay u badnaayeen kuwa maamulka Koonfur galbeed, halka sidoo kale ay jiraan ciidamo Itoobiyaan ah oo qaraxa ku dhintay.

Al-shabaab ayaa markiiba sheegatay mas’uuliyada qaraxa lala eegtay ciidamada, laakiin ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Koonfur galbeed.

warsom2011@gmail.com