Safiirka Faransiiska ee Soomaaliya oo lasoo Magacaabey waraaqihii Safiirnimana laga Gudoomey.

0
285

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dalka Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya Antoine Sivan.

Madaxwaynaha iyo Safiirka oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dhinac iyo Arrimaha ay ka rajaynayso dowladda Federaalka Soomaaliya in dowladda Faransiiska ay kala shaqayso.

Madaxwayne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladda ay haysato taageerada Shacabka, sidaas darteedna looga baahn yahay wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya in ay dowladda kala shaqeeyaan qorshayaasha horyaala ay ka mid tahay xal u helista daymaha lagu leeyahay dalka iyo dhisidda ciidan Qaran oo hanan kara amniga guud ee dalka.

 

Danjire Antoine Sivan ayaa Madaxwaynaha u soo gudbiyey farriin uu uga siday Madaxwaynaha Faransiiska Immanu-wel Mak-roon ( Emmanuel Macron ) oo ka tarjumaysa sida ay u garab taaganyihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

warsom2011@gmail.com