Lacag Cusub SHillin Soomaali ah oo Dawladda Soomaaliya sheegtey in lasoo Daabacayo.

0
651

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshayaal ay ku dooneyso in ay kusoo daabacdo lacago cusub.

Mudane Mahdi, ayaa hadalkaasi ka sheegay kulan Su’aallo lagu weydiinayay qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada, sida Wasiirka warfaafinta iyo Gaashaandhigga.

“Waxaa dhawaan suurta geli doonta, Wasaaradda Maaliyadda, Guddiga dhaqaallaha iyo Bangiga Adduunkana ay ka wada shaqeynayaan  in lasoo daabaco lacago taya leh oo aan la koobiyeen Karin.  Waxaan soo daabaceynaa shilling Somaliga oo kala duduwan oo dalka la keeno si loo xareeyo lacagta duugoowday ee iminka suuqyada lagu isticmaali karin”. Ayuu yiri.

“Lacagta lasoo daabacayo waxaa ay suurta gelineysaa in dhaqaallaheena dollarka ku dhisan laga maarmo, lacagtaas sida ugu dhaqsiyada badan ayaa loosoo dhaabacayaa  si dhaaqaallaheena uu u koro”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Deegaanno badan oo kamid ah gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Bakool waxaa horey looga diiday qaadashada lacagta shilinka Soomaaliga, welina waa ay taagan tahay saameynta arrintaasi ay reebtay.

Mas’uuliyiinta magaallooyinka bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay in weli uu hoos u sii dhacayo qiimaha shilinka Soomaaliga marka loo eego lacagta doollarka.

Ganacsatada magaallooyin dhowr ah ayaa xiray meheradaha oo diiday inay qaataan lacagta Soomaaliga iyaga oo ku andacoonaya in suuqa lasoo geliyey lacago been abuur ah.

warsom2011@gmail.com