Puntland oo Wasiiro cusub lagu dhaariyey iyo isku shaandheynta Golaha Xukuumadda.

0
559

Madaxweynha dowlad gobolleedka Puntland ayaa goob joog u noqday munaasabada dhaarinta xubno oo ka mid noqonaya golllaha wasiirada dowlad gobolleedka Puntland, kaddib markii uu dhawaan ku magacaabay wareegto uu soo saaray.

Wasiirada xilalkooda loo dhaariyay ayaa kala ah ‘’Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Cabdiraxmaan Barkhad Warsame, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore), Wasiir ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud Cabdiweli Maxamed Yuusuf iyo Wasiir ku- xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Munaasimada dhaarinta Wasiiradda ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey gudoomiyaha maxkamadda Sare Yuusuf Xaaji Nuur iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyadda dawladda Puntland.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ayaa xubnaha gollaha wasiirada la dhaariyay kula dardaarmay in ay shaqadooda si daacad ah u gutaan kana fogaadaan wax walba oo ku keeni kara in gaabis ku yimaado hawlaha culus ee loo igmaday.

‘’Dawladda nimada iyo wasiir nimadu maha qofku in xafiis keliya ka shaqeeyo waxaa la rabaa inaad siyaasada dawladda ka shaqaysaan, barnaamijka iyo hadafka siyaasadeed ee dawladda inaad fulisaan baa laydin ka rabaa qof walbi dhul iyo degaan buu ka soo jeedaa waxaadna kamid noqon doontaan metelayaasha dawladda, waxaa laydin ka rabaa shaqadiina in aad sifiican u gudataan, xilkiina la wareegtaan,” ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland .

                            warsom2011@gmail.com