Barlamaanka Iran oo weerar lagu qaadey Hal qof ku dhintey halka Dad kalena ku dhaawacmeen.

0
577

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii weerar lagu qaaday xaruunta Baarlamaanka iyo Mausoleum of Ayatollah Khomeini ee ku taalla magaalladda Tehran ee caasimadda dalka Iraan.

Koox hubeysan ayaa la aaminsanyahay in ay weerar is-xig-xiga ay ku qaadeen xaruumaha maanta oo Arbaca ah, sida warbahinta dowladda ay baahisay.

Wakaalladda IRIB, ayaa warisay in nin hubeysan uu gudaha u galay xaruunta Mausoleum, halkaas oo uu ku dhaawacay siddeed ruux.

“Nin hubeysan ayaa gudaha u galay xaruunta Baarlamaanka, waxaa uu toogtay mid kamid ah ilaalada xaruunta Baarlamaanka, kadibna waxaa uu cararay”, sidaasi waxaa sheegay  wakaalladdaha wararka ee dalka Iran sida Fars iyo Mehr.

Ciidamo farabadan oo kuwa ammanka ah ayaa loo daad-gureeyay nawaaxiga xaruunta Baarlamaanka, waxaana baadigoob ay ugu jiraan ninkii weerarka ka geystay xaruumaha.

Siddeeda ruux ee dhaawacmay ayaa waxaa ku jira shaqaallaha Baarlamaanka magaalladda Tehran ee caasimadda dalkaasi Iran. Dhinaca kale qaar kamid ah xildhibaannada ayaa la sheegay in ay ka badbaadeen weerarka

Sababta ka dambeysa weerarka ilaa iyo hadda lama xaqiijin.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.