Maxay Ka Wada Hadleen Wasiirka Dastuurka iyo Guddiga Doorashada Federaalka?

0
544

Wasiirka  Dastuurka dowladda Federaalka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta xafiiskiisa kula shiray Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Xaliima Ismaaciil Ibraahim, waxa ayna kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Guddiga iyo doorashadda 2021.

Wasiirka  oo shirka ay ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Qaar kamid ah La taliyayaasha Wasaaradda ayaa u ballanqaaday Guddiga in ay la yeellan doonaan wadashaqayn joogta ah.

“Wasaaradda iyo Guddiga waxa ay dalka u hayaan hawl muhiim u ah gaarista doorashada Qof iyo Cod ee la doonayo in dalka ay ka dhacdo 4ta sanno ee soo socota, waa inaan yeelanaa wadashaqayn joogta ah si aan uga soo dhalaalno waajibaadka ina saran ee shacabka Soomaaliyeed inaga sugayaan” ayuu yiri Wasiirka.

kulankan ayaa bilow u ah wadashaqeyn dhexmarta Wasaaradda iyo Guddiga maadaama Geedi-socodka dib u eegsita Dastuurka ee ay Wasaaradda hirgelineyso uu wadada u furayo gaarista doorasho Qof iyo Cod oo dalkeenna ka dhacda.

warsom2011@gmail.com