Hab Casri ah oo loo Dhisey Garoonka Kubadda Cagta ee Magaalada Kismaayo(DAAWO-DAAH- FURKII).

0
544

Madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa xariga ka jaray garoonka kubadda cagta magaalada Kismaayo oo ay soo idlaadeen howlo dib u dayactir ah oo lagu sameeynayay mudooyinkii u danbeeyay.

Garoonka ayaa la dhigay cawska macmalka ah ee la dhigo garoomada, ayadoo sidoo kale dayactir lagu sameeyo qeybo badan oo kamid ah garoonka.

Kooxda xulka kubadda cagta Jubaland iyo kooxda Koban oo heysa horyaalka kooxaha heerka 1-aad ee magaalada Kismaayo ayaa wada dheelay cayaartii furitaanka, waxayna guusha 3-0 ku raacday kooxda xulka Jubaland.

Madaxweeynaha Jubaland ayaa dhawaan ballan qaaday in ay uu dhisi doono qeybaha ka harsan garoonka, sida qeybo hor leh oo ay fariistaan taageerayaasha oo uu xusay in uu dhisi doono.

warsom2011@gmail.com

 

Halkan ka daawo munaasbaddii furitaanka garoonka.

 

https://youtu.be/khhojN6R5Hw