Rag hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa toogtay nin wade ka ahaa gaari xiligaa marayay isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho.
Ninkii wadaha ka ahaa gaariga rasaasta lagu furay ayeey goob joogayaal sheegeen in uu waddada kala baxay, kadibna dul maray haween Qaad ku iibinayay hareeraha laamiga, taasoo keentay dhaawacyo kala duwan oo soo gaaro haweenka.
Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale magaalada Muqdisho ka dhacaan falalka noocan oo kale ah, waxaana marar badan oo hore sidan oo kale rag hubeysan toogasho ku dileen qaar ka mid ah wadayaasha gadiidka Muqdisho.
wrsom2011@gmail.com









