Afar maxbuus oo ka soo jeeda dalka Yemen ayaa la geeyay wadanka Boqortooyada Sacudi Carabiya mid kamid ah talaabooyinkii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Obama uu ku xirayo xabsigaas.
Arinta ayaa imneysa kadib markii Aqalka Cad ee Maraykanka uu diiday dalab ka yimid madaxweynaha dhowaan la doortay Trump oo uu ku doonayay lagu joojiyo xirida xabsiga Guantanamo Bay.
Qoysaska afarta ruux ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Riyadh, waxana uu sheegay afhayeen u hadlay Boqortoyada Sacudi Carabiya in ay baaritaan caafimaad loogu sameyn doono raggan Mohammed bin Nayef Centre for Counselling and Care oo ku taal duleedka magaalada Riyadh.
Boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa shaacisay magacyada raggan afarta ah ee ka soo jeeda dalka Yemen waxaana ay ka aqbashay codsi ugaga yimid Madaxweynaha Dalka Yemen oo ah inay dib u dejin u samayso.
Magacyadan raggan ayaa lagu kala magacaabaa Mohammed Rajab Sadiq Abu Ghanim, Salim Ahmad Hadi, Abdullah Yahia Yousf al-Shabli iyo Mohammed Ali Abdullah Bwazir.
Ugu daneyntii, waxaa wali ku jira 59 maxbuus ah xabsiga Guantanamo iyadoo ay ku xirnaayeen 240 maxbuus markii uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Obama sanadkii 2009.
warsom2011@gmail.com









