Xeerka DHawrista Qaxootiga oo Puntland Barlamaankeedu meel mariyey.

0
212

Gollaha wasiirada dowlad gobolleedka Puntland ayaa meel mariyay xeerka ilaalinta qaxootiga, kaddib  war saxaafadeed ka soo baxay shirkoodii toddobadlaha ahaa  ee Khamiistii shalay.

Xeerkan ay isku raaceen gollaha wasiirada Puntland ayaa la sheegay in uu qeexayo cida loo aqoonsan-karro qaxootiga,waxaa kalo uu caddeynaya cida ay ka reeban-tahay in loo aqoonsado qaxooti ku dhex noolan kara Puntland.

Xeerkan ayaa soo diyaarisay wasaarada arimaha gudaha dowlad gobolleedka Puntland oo kaashaneysa hay’adda qaxootiga ee QM UNHCR

Warka ka soo baxay gollaha wasiirada Puntland ayaa lagu sheegay in xeerkan ay isku raaceen uu noqonayo  midkii ugu horreeyay ee laga howlgaliyo Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, waxaa ay wasiirrada ansixiyeen xeerkan xilli Puntland ay kor dhayaan dadka qaxootiga ah ee ku nool,waxaa ku jira kuwa dalka gudihii ka soo barakacay iyo ajaanib u badan Yemeni iyo Itoobiyaan.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak