Muwaadiniinta Dalka K/KURIYA oo looga digey u safridda Dalka Soomaaliya.

0
576

Dowladda K/kuuriya ayaa uga digtay  muwaadiniinteeda in ay u safraan Soomaaliya sababo la xiriira sida ay sheegtay xukuumada K/kuuriya sababo la xiriira ammniga.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda kuuriyada Koonfureed ayaa looga mamnuucay muwaadiniinta dalkaasi u dhashay inay u safraan dalalka Soomaaliya, Syria, Yemen, Libya iyo Afghanistan ilaa lixda bilood ee soo socota.

Xukuumada ayaa la sheegay in ay kordhisay  muddadi horey loo joojiyay in loo soo safraa dalalka Soomaaliya ay ku jirto, waxaana la gaarsiiyay ilaa 31 July.

Wasaaradda arimaha dibadda dalkaasi ayaa u sheegtay dadka u dhashay Koonfurta Kuuriya inay ka taxadaraan u safridda dalalka Soomaaliya ay ku jirto, cabsi dhanka amaanka ah darteed.

Waxaa loogu baaqay dadka hadda ku sugan dalalka amni darada laga sheegayo inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Mar sii horeysay qoraal kasoo baxay dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa looga digay muwaadiniinta dalkaasi u dhashay inay u safraan dalal Soomaaliya ay ku jirto.

Ugu danbeyntii, mar walba oo qaraxyo culus ay ka dhacaan magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka dalka, waxaa soo baxa digniino dadka ajaaniibta laga siiyo inay Soomaaliya usoo safraan, waxaana gudaha dalka ku sugan ajaaniib fara badan.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak